mooskii jamaamiyo
canbe jilib ku yaal
ama jeexyo doogliyo
dooxa ay jidhdaalo
jeeganta roob u janjedhsato
jiif haanbiyoo

jaleecada indhaha
sida loo jantaa
adiguna jamaad
ishu jiidatoo
jahan qabo dartaa
kama joogo karo

inanyahay jamaalkiyo
sowjada qurxoon
ubax jaadba jaadiyo
xili aan la jarinoo
jawharad la mood
jaahaga wacan
jacayl igu abuur

jaleecada indhaha
sida loo jantaa
adiguna jamaad
ishu jiidatoo
jahan qabo dartaa
kama joogo karo

Exit mobile version