Heesta Ubax - Lyrics
ubaxaan sugaayee
sacabada u hoorsaday
sadmuu i siiyee
farxad ii siyaadiyo
siman dhalashadaadi
sina kuma ilaawee
happy birth day to you
safar weeyi duniduye
yaa kula socdaalo
somali idilkeed
sinjigaad ka dhalatiyo
sool iyo sanaagiyo
cayn yaa ku soo bara
sanqaroorka dheeriyo
suuradaada quruxda leh
hooyaad ka sidataa
saxansaxo udgooniyo
sareediyo barwaaqiyo
inaad samo ku waartaan
SAATIR kaaga tuugaa