allihii ku abuurayee
islaamnimo kugu galadaybaa
amaaniyo sharafba mudane
uurkeeda hoooyaduu
kuguu beeray eebahay
iimaankeedu taam ahaa
isirkaagu iin ma leh
waxaa tahay inan gobeeed
ayaan dhalad lagu farxaa
ag joogaaga waan jeclahay
arwaaxdii naftaydiyeey
aayaha noloshaydiyeey
miyan kaa ahaan karaa

ilqabad muuqiyo hanaan
assagaa ku dhaaftayee
udgoon ubax dayr dhashaay
iftiiin iisoo baxaay
ilayskii dhaayahay
indhaha nuurkoodiyeey
macaaneey adigaan
hablaha kaa aaminee
afkuna ku amaanayaa
ag joogaaga waan jeclahay
arwaaxdii naftaydyeey
aayaha noloshaydiyeey
miyaan kaa ahaan karaa

Exit mobile version