waxaan birtu goyn karayn
biyuhu kaa maydhaheen
dawana kaa bogsiin marnaba
ayaa igu baahayooo
beerkayga intuu dhex galay
wadnaha boog iyo shiday
bu,dayda ku oogayoo
haday baahidii kalgacal
dushii iga soo baxdee
dadoow baxar baan galee
maxa lagu baanan ruux
bilaawuhu saaran yahay

bukaankan i saaqayee
ku baahay halbawlahee
ku beermay xididadee
baxnaanada tii lahayd
badwayn igu tuurtayoo
badbaadan filanayee
miyuu i barkaday jacayl
haday baahidii kalgacal
duhii iga soo baxde
dadow baxar baan galee
maxaa lagu baana ruux
bilaawuhu saran yahay

baalayo anoon dhex galin
dhibaatada aadmi baran
noloshu bilaw ii ahayd
ayaan bartay maalin qudha
mdii bilic iyo wanaag
boqorku uu siiyayoo
miyaan ahay wali bastay
haday baahidii kalgacal
dushii iga soo baxdee
dadoow baxar baan galee
maxaa lagu baanan ruux
bilaawuhuu saaran yahay

Exit mobile version