cawadii aan dhalayee
dayaxoon cajabiniyo
cadced soo iftiintaay
cirka sagalka muuqdiyo
casar gaaban jeegaan
fad caleemo saartaay
nasiibkaagii cugataye
calafkaagu khayr noqay
cawadii aan dhalayee
duco waa calooshee
aabo kuu cantoobshee
adigoo caruur badan
cisi iyo wanaagiyo
caafimaad la wada qabo
caadil ha isku keen simo

cawadii aan dhalayee
cosobiyo ugbaadiyo
manka caaradiisoo
isku ladhay caleniyo
ubax caynba cayniyo
carfi iyo udgoneey
cad wadnaha ka go,ay iyo
cidhifkaygii midigeey
cawadii aan dhalayee
ducoo waa calooshee
aabo kuu cantoobshee
adigoo caruur badan
cisi iyo wanaagliyo
caafimaad la wada qabo

Exit mobile version