jiiqle dooxyadiisiyo
lurka waxaan jibaaxiyo
jeexa goodiraaliyo
hadba waxaan jarmaadaba
jabad laga hayaamiyo
jilbis waxaan la seexdoon
jilab wuxuu i muda oon
hadba jaho u jeestaba
jabka taan u marayeen
jararka uga soo dhacay
naftu ay u jeelayd
jeegaan la moodii
jeexaygii maan helin

jeegaanta roobkiyo
jamaalkii naftaydaay
jeelka on ku raagiyo
jahadoo qaloocnayd
jidku igu adkaadiyo
jalan jaaila i helay
jihaad buu igu galiyo
jirjirkaan u aalaaye
jabka taan usoo maray
jararka uga soo dhacay
naftu ay u jeelayd
jeegaan la moodii
jeexaygii maan helin

Exit mobile version