maankayga sooraay
waa malab jacaylkuye
ma anaa ku nici kara
kaa maarmi kara oo
dumar kula masayn kara
dhirta oo magooshiyo
ubax iyo man dayreed
qurux waad ka mudatee

midab kaaga wacaneed
mas ciideedka moodiyo
muuqaaga dahabkay
moos weeyi aan dumin
sida laba mataanaa
xiisaha aan maalne
i miskeedi caashaqa

Exit mobile version