shabad yahay hablaha kacay
shacnigiyo udgoonkiyo
sharaf loo dhameeyaay
sheekada u sidataay
naftan shaamareertee
kuu shakaalan adigaa
caashaqu ku shidan yahaa
shifo kaaga baahane
hadaan sheegtay nabarada
dibnahaa shiba diidee
shimbirahaa badh baa jira
shiishku qabanee
haygu noqon sharlay dumar

dhiig laysku shuba iyo
sheekada dadkay is jecl
ama shuuxa roobkoo
dhulkan uun shan goor helay
sida loogu shiro nabad
ama sheekh u tabiyoo
sharcigiyo shuruudaha
loo shareeray aadmiga
aan shaaca qaadnee
adiguna ha shaashayn
shimbiraha badh baa jira
shiishku qabanee
haygu noqon sharlay dumar

Exit mobile version