ubax yahoow dilaacee
dibnihiisa kala furay
waxaa tahay mid dayreed
xareedii durdurtoo
dujigiisu wacan yahay
sidaa dahab hilaacdee
ha duugoobin waligaa
kuma helo diraaciyo
jiilaal ku dila iyo
midabkaaga doorshee
dar allee waxaa tahay
midaan daawanaayoo
indhahaygu daymada
ashqaraar daraandaray
eegmadaan ku doogsaday

inan yahay i deeqdee
dabcigedu wacan yahay
waxaa tahay mid dooroo
marwo doobir badaniyo
hoodadu la daris tahay
daa,imkii ku uumaa
qurux kuugu deeqoo
dabar ma leh jacaylkuye
waxaan kula dul joogaa
kalgacaylkan darayee
dar allee waxaa tahay
midaan daawanaayoo
indhahaygu daymada
ashaqaraar daraandaray
eegmadaan ku doogsaday

Exit mobile version