Heesta Xamda - Lyrics
Cibaadada ILAAHAYIYO
ALLE weheshigiisiyo
Umo hooyaday iyo
Sharafteeda idilkeed
Tu ilaalinaysoo aan
ku aaminaad tee
Duco waalideed iyo
Dadnimiyo amaan badan
Dhaqankii islaamkiyo
Anshaxiyo samaanbaan
Aan kaa arkoodee
Xamdaay aayahaygaay
ILAAHAY ha kaa dhigo
Afo khayrle oo bilan
Oori lagu nastoo nagi
Iyo hooyo uur nugul
Iftiinkaaga quruxdee
Indhahayga deeqiyo
Dabcigiyo asluubtiyo
Erayada macaanbaa
Caashaqa abuuroo
Naxariistu waa adi
Marna urursanaantiyo
Asturnaanta sharaftiyo
Gob ahaanshahaagiyo
Waalidkii ku ababshaa
Yaan kaa arkoode
Hidihii ayeeyaan
Yaan kaa arkoodee