Xidigtii Haweenka
Xulashada ku helayee
Hal sheey kamaan tagin
Xubiga iyo galgacalkoo
Xageegaygi sidii baaan
u xanbaraasadee garoo
Xididdada wadnaha iyo
Xubanaha iyo jirkiyo
Xiskana adiga kugu maqan
Xumaan kuuma quuree
yaa nayla kala xaman
yaan nayla kala xadin
Xakamaha jacaylka
Xajji oo ha sii deen
Xuralcayn la moodyee
naf jacayl xambaarshoo
Xiisahii aduunkana
Xagaaga buu ku koobtaa
Xubnahayna kala maqan
Kala jira xag dheer baa
Xanuun ka dadayaa
Xabeen kii naxay baad
riyo igula xaashaa
Xumaan kuuma quuree
yaa nayla kala xaman
yaan nayla kala xadin
Xakamaha jacaylkana
Xajji oo ha sii deen