Heesta Amaantay uqalantaa - Lyrics
Asturnaanta waa ruux
Aynigeed tilmaan u ah
Waa ehlo diin dhab
Dibnahayda
ma karaan in la eersado
Admigaa ka nabad galay
Heebo waa iftiinkiyo
Heebo waa ilayskii
Aayahayga nolashoo
La'aantayd ma uursami
La'aantayd ma aragsami
Amaanta ay uqalantana
Afku kama iraahdee
uurkaan ugu doceeyaa
Aragayda waa ruux
Indhahaygu jecelyihiin
Waa gaari aayo leh
Waa ruux edebtiyo
Iimaankayda qaniga ah
Ilaahay dhameestiray
Oori weeye dhaqankiyo
Edeb lagu abaabuyoo
Aqalkeedu inoo dumo
Waa ruux ku adagoo
Amaantay uqalantana
Afkuna kama iraahdee
Uurkaan ugu doceeyaa