amaah laguma helo
lamana irgistee
asal raaca qurux
isir iyo ileen
ab u yeelatayoo
irid laga galiyo
astaan la ogyahaad
ku arooraysaa
aragaaga waan
amakaag sanoo
eegmadaadi bay
dhaayaha indhuhu
hadba ku irkigaan

arladoo guyaal
onkodka hanqadhsho
ila wada durdura
idhinkiyo biyha
afka sare mareen
ama sida ugbaad
ifa nuurayaa
daymada u roon
argaagi waan
amakaagsanoo
eegmadadii bay
dhaayaha indhuhu
hadba ku irkigaan

Exit mobile version