canabeey indho u rooneey
qurux waxaad la cayn tahay
cadceed soo baxaysooo
cadaankeedu kaahii
curashada darurto
cosobkiyo ugbaadkiyo
calcalyada ku sooriyo
cidhidyada hargeysiyo
caduur ubax ku yaalaay
xuural cayntii dunidaay
adigaa cisi iyo dharaf
dumar caaro dheeroo
dadkii wada cajabisoo
rabi cawri kaa hay

canabeey qalbi u rooneey
hablaha caalamkoo idil
caqli aad ku dhaaftoo
caadil kuu dhameeyee
cudoon iyo dhabeeleey
cadrad qiimo badaniyo
curad qoys ku dhaataay
adigaa tin iyo cdhib
caashaqaagu igu fiday
xuuralcayntii dunidaay
adigaa tin iyo cidhib
dumar caaro dheero
dadkii wada cajibisee
rabi cawri kaa hay

Exit mobile version