naftayda adigaa hantiyay
niyada adigaa ku wayn
nabsiyo eed lama galee
cishqiga naafada ka daa
ha naadin xumaanaheena
dagaal nabad baa ka roone
waxaan jirin haygu nabin
nloshu way koobantee
nasuustiyo diinta baro
ninkaagana farax ku beer

nagee geediga ha rarin
nacabiyo cadaw ha isku jabiin
naxliyo cudur ha isku ridine
qalbiga nabarada ka dhawr
nasiibkaygoon xumayn
nugaylka waxbaa i baday
nimcada lama daadiyee
naruurada ciil ha gelin
noloshu way koobante
nasuustiyo diinta baro
ninkaagana farax ku beer

Exit mobile version