VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dalsan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed ciro
Dalsan

habeen ko badh soo dumay
cirka oo daruuriyo
ina shay dabooliyo
aan caad ku dadinoo
dayax muuqii faayaha
ku dalxiisay kaliyoo
nuurkiisa daafaha
dunidaba wada iftiinshe
quruxdiisa daabkkkaa
ishu daawanaysoo
laga daalin eegmada
hoodooy i deeqdoo
waxaa tahay dawooy taan
dumarkaba ka eegtee
caashaqeena daadihi

dalsan meel barwaaqa
oo roob wax deeqiyo
dhibicii ku da,ayooo
intuu doogu soo baxay
baryahaa wax daaqiyo
duunyadu ka dheertahoo
dhurtu laama daray iyo
ubixii wada dilaac yahay
midhihii dalaysad
siduu maanku ugu dago
adna tahay la doorkoo
hooddooy i deeqdoo
waxa tahy dawoy taan
dumarkaba ka eegtee
caashaqeena daadihi

codkii Mohamed ciro