inkastooy i deedoo
dagtay maanka idil
dana iiba tahay ani
dugsi inaan wadaagnaa
intaan dunida noolahay
waxse laygu daw galay
qaar igu diraayoo
deris layga dhigay ani
ha dumin caashaqii
daraad tisqaadee
door wacnaa
ha dagin ruux ku aaminoo
dadkana adi kuugu jecel

jacaylkii dagmooy
wadnaha dacalkiisa dagay
inuu dugsi kaa dhigtoo
daryeeshuu rabaaye
walaal ila daadahee
dalxiis anigaa ku gayn
deegaan kula jecel adiga
ubaxa lagu daawadee
ha dumin caashaqii
daraad tisqaadee
door wacnaa
ha dagin ruux ku aaminoo
dadkana adi kuugu jecel

Exit mobile version