Geedkiisa caashaqa
intaan gooso ku danseegay
qalbigeeda farax gali
intaan guuro ugu joogay
taydoon ka gaabiyay
miyaan teeeda gacan siiyay
anigoo gafkeediyo
ku ogol cadho gunuuskeeda
caashaq bay i gumeeyee
miyaan joogay garabkeeda
qalbi guba guhaadiyo
afxumo guuxa igu soorta
alaylehe jacaylkii ii galay
waa guri ba,aagii dheh

ma guulaysto caashaqu
hadii la isla garan waayo
oo dibuun laa kala gurtoo
la isku gu,i waayoo
gacmo daalis mooyee
male gucundho soo rayn
mar haday gubtaanyiyo
cadhadu goor waliba joogto
iga guur dulqaadkuye
hadeer gooha ig dayso
qalbi guba guhaadiyo
afxumo guuxa igu soorta
alaylehe jacaylkii ii galay
waa guri ba,aagii dheh

Exit mobile version