haday kuu goodiyaan
haday goolaftamaan
haday gaagaatamaan
kunjeer isasii godaan
maxay kaagin karaan

haday kugohadiyaan
maxay kaa guri karaan
godkay qodayaan intaa
naftiigarataan tehee
falaadhaha ay soonagaan
miyay kula gaadhayaan

hadya guluf soo kacshaan
guutooyin adaa ka dhigan
dabkiyo gaaskay wataan
duufaan gil gishaa tehee
aadmina galadaada iyo
guushaada ma baajinkaro
hadaanad adigu isagabin

haday goor iyo ayaan
intaa marba meel galaan
dhibataadana goobayaan
gobeey nacabkaaga badan
maxay kaa goyankaraan
haday kaagubanayaan
miyay kuba gaadhayaan
xadhkayhay giigijiyaan
adaa garta oo fahmee
gamuunkayareey wataan
gaashaankaaganu marin

Exit mobile version