hugii sharaftiyo
hiilkii noloshaay
hidaha dhaqankiyo
heemaal wacaneey
hoodiyo darajiyo
habeen dhaladey
midaan hantiyee
nasiib u helaay
hibooy qalbigii
adaa hadhasoo
naftayda hagoo
hogaaminayee
jacaylka hirgalay
hareerta qaboo
hoygii noloshaan
kusoo hoyonee
xubigaan kugu habay
aan kaa helo ee

habloow quruxiyo
hubqaad ma sinee
midbaa hirashada
kuwada hantidoo
markaad halacsato
qalbiga hawshoo
sidaada hufnaan
haybada sidayoo
intaan kugu hubo
inteeda heshoo
aduu hadalkaagu
hafeefta tiraa
jacaylka hirgalay
hareerta qaboo
hoygii noloshaan
kusoo hoyonee
xubigan kugu habay
aan kaa helo ee

Exit mobile version