horseedkii ababintiyo
hirdoogloo lagu nastaay
hugiyo sharaftii naftaay
sidaad iigu hiilisiyo
hawshaad ila soo martayba
hoooyooy ma ilaawayo
habeenkoo laba nus tagay
intaad hooyo ii kacdayba
sidaad ii habi jirtaan
hadeer u qushuucsanee
janada hawl yari ku hoyo
naftaad heeganka u hayd
ayaa kuu hamuun qabtoo
qalbigaa hoyoo ku raba

marnaba haybadaada iyo
sidaad umada u hagtiyo
halkaad kaga aadan tahay
marnaba ma hilmaamayo
intaad hooyoo i sabtiyo
intaad hanadoow i tidhi
hooyooy ma ilaawayoo
halkaadse iga jirtaan
hadeerse ku jihaysanee
hubaal waan ku imane
janada hawl yari ku hoyo

Exit mobile version