Heesta Jirid - Lyrics
Mohamed Cirro:
Joogaaga inanyahay
Markii aan jaleecaba
Kama jeesan karayoo
Adigaa ijeetee
Yurub Geenyo
Anigaa ku janatayoo
Kuu jeelan adiguyee
Sida igu jeedaan
Anna kuu jecleestee
Labdoodaba:
So hor joogsigaaga
Ay jamataa naftayduye
Jirid waxaad tahay
Weligeed aan jabin
Mohamed Cirro:
Jeegaan la mood yahee
Jeehaaga quraxda leh
naftaydaan u jeelanoo
Ku jilbeesan adigee
Yurub geenyo:
Jeexeega midagoo
Adaa kuu jirabanahee
juqda ha iga jarinoo
ha'iga jeesan abidkaa
Labdoodaba:
So hor joogsigaaga
Ay jamataa naftayduye
Jirid waxaad tahay
Weligeed aan jabin