waxaa tahay kaltuuneey
kaysaha aduunyiyo
kayd lagu badhaadhee
waxaad tahay karaamda
mid koriimadeedii
lagu soo kacaanshoo
waalidkeed kolkolsheen
asluubtana kaafiyaysoo
kaamil yeeshay dhaqankii
koobsiga wanaagaa
kaalin buuxis tahayoo
ruuxna kaama ridi karo

waxaa tahay kaltuuneey
midaan kaalinteedii
kolaba lagu hungoobayn
kaalmada wanaagiyo
kuhashada samaantee
kariim kugumanaystaa
kashka kaaga buuxdoo
waxaa tahay kufkeedaba
mida kaw u sidatee
koobsiga wanaagaa
kaalin buuxis tahayoo
ruuxna kaama ridi karo

Exit mobile version