mabsuuday
dartaa muusooday
muxubo awgaa
muraaqoodaay
hadna marwooy
ku madiixay
kalgacayl mug wayn
kugu mariimay
hir magoolay
kugu mataalay
maashaye jacaylkaa
miskeedshay
midhihi baxayaba
kugu macsuumay
shaygii mudanba
kula maseeyay
kaama maarmo
midigtaada ii dhiiib

masalooday
la,aantaa maasooday
mahadho awgaa
murugooday
meqaamka sharaftaada
miisaamay
muunadii aduun
kugu macneeyay
macaaneey
nafta kula mataashay
maalamaha
adi kula midoobay
maskaxdiyo qalbiga
kugu mataashay
mahiigaan jacayl
kugu maasheeyay
kaama maarmee
midigtaada ii dhiib

Exit mobile version