kalgacayl mug waynbaa
maankayga qaadoo
mirta dhexe habeenkii
mayracay naftaydee
waxaan hore u moosee
ka muraadso idhibaa
mar labaad isaaqoo
mawjad baa isidatee
madi kuma tanaadee
midnimay ku tarantaa
mataanaynta caashaqa
adigu ha magooaan

dhaaxaan kaa maagoo
nafta aan kaa meershoo
jamashada ka maydhoon
ka mildhaabay aniguye
mar hadaan muquurtoo
anigoon u meeldayin
garashadii muquunshoo
qalbigii maroorsaday
madi kuma tanaadee
midnamay ku tarantaa
mataanaynta caashaqa
adiguna ha moogaan

Exit mobile version