qalbiga samrayaa ku suga
maankiyo sadrigaa ku taba
hankaan kugu soohay kali
waxaan ku sabaa xasuus
adoo iga maqan sanado
salkaan u dhigaa axdiga
samiyo milgahauu gayaan
xubiga siiyaa tix galin
intaad saba dheer
adigu ku sugnayd gacalo
xiisihii ku siyaad bogoo
sabaalo intaa ka badan
naftaan iga siisanayn

labada kalgacayl ka siman
axdigu sahal kuma ahoo
rajada nafta lagu sabay
sareedo ku tiigsadaan
anaa muxibada isidatiyo
adaa ila qaba sahwiga
bishiyo saaciyo aayaantuna
sanado ku tahay sidayda
intaad saba dheer
adigu ku sugnayd gacalo
xiisihii ku siyaad bogoo
sabaalo inaa ka badan
naftaan iga siisanayn

Exit mobile version