naqiii jarariyo
nabaad baxayee
miraha nabaddee
ku yaal nogobee

nuurkii araggiyo
nalkii jigjigaay
middii naxariis
naftayda bartaay
nabdiga hanataaay

anigu nasabkaan
nasiib ku helaay
nasriga calafkaa
naruura dhalee
nasteexa irmaan
xubbiga ku nageee

hubaal niyaddaa
ku naawilaysoo
qalbiga nafacdaa
ku naadinayoooo

nasiima dhabaad
nafteeyda u tahoo
noolaha kaligaa
kugu nuursadayeee

anigu nasabkaan
nasiib ku helaay
nasriga calafkaa
naruura dhalee
nasteexa irmaan
xubbiga ku nagee

Exit mobile version