adaa qalbigayga
ku qaayibanoo
qudhayda runtii
adaa qanciyee
adaan qalanjooy
kuu qoolanahoo
nafaad qancisaa
ku qaali tahee
waxaan qirayaa
hablaha qayrkaa
ka qaalisantoo
la qaayo ahayn
jacayl qara laa
qalbiga ku curtee
i qaabil wallaal
aan qoys noqonee

qamuunyo midaan
darteed u qabaay
qumaati warmaha
adigaa igu qodboo
wadnaha qayb bad
macaan qotontaa
markaad qososhee
dabnaha qaydaa
ilmada quayoo
hadana qarsdaa
qurayshtii hablaay
quluubtu xagaa
jacayl qara laa
qalbiga ku dhasheee
i qaabil walaal
aan qoys noqonee

Exit mobile version