sida dhagaxu dahabiyo
dhadhaab uu ukala yahay
inta aadan wada dhalay
ma sinee dhabcaaliyo
qof dhamaysabaa jira
asma dhool la moodyeey
waxaad dumarka dheer tahay y
dheehiyo hanaankiyo
dhaqankiy asluubtoo
kaa dhawr illaahay
cebtiyo dhaliishoo
kuma dhaafo wiil gobi
ubadkaad u dhalaysiyo
dhaxdin wiillka kugu hela
raga kale nasiib dheere

gobonimo u dhalashay
dhexyareey ku aragtoo
sidaan qabo dhabeelnimo
adaa dumar ku dhaafoo
dhabtii qaali baad taha y
dheg kuumaqashay moooyee
in kastoonan dhaayaha
kugu qaban dhamayseey
dhawr jeer warkaagaan
maqlayee dhaguugoo
dheemanay alleylahe
ruux loo dhuntaa tahay
ubad kaa u dhalaysiyo
dhaxdin wiilka kugu hela
raga kale nasiib dheere

Exit mobile version