sabankoo barwaaqa
seerma waydo curatoo
inta uu sinaan da,aay
daqsinkii saraar bari
kasoo saaray geedaha
sayaxii duljoogaa
sidoodii ka dhigan tahay
sacaadada wanaagaa
saatir gaar u siiyee
magac kala sad roonee
sucaad loo wanqalaye

sunihi isllaamkiyo
sama lagu barbaarshoo
daganaanta socodkiyo
saafi hadalka weedhaa
sahwi baan ka qaadoo
sambabkay ku taalaa
samir qadan waayee
sacaadada wanaagaa
saatir gaar usiiyee
magac kala sad roonee
sucaad loo wanqalayee

Exit mobile version