ubaxyhoow ku yaal
usha quruxda badan
ila wada xareedaa
xididada arooraa
oogadaada sare
irmaaneeyayoo
buuraha agtaadaa
hadhka kugu ilaashee
ufada iyo dabaylaha
awood kaaga celiyee
afkiyo baalaha furoo
ka farxo insaankoo
iftax yaa sahar

ubaxyahoow ku yaal
dhulka aragsanka ah
indha jira xagaagaa
aragtida qushuucdaa
kusoo ulonayoo
eegmadaa rabee
nolaha agtaadaa
udgoonkaagu gaadhee
ajashii haraadaa
kugu on baxaysee
afkiyo baalaha furoo
ka farxi insaankoo
iftax yaa sahar

Exit mobile version