Heesta Waan naaxi lahaa - Lyrics
neecawda jacaylka
naftayda dareentee
ku noogtay agtaadaa
naruuro ku caymi
niyada sawirkaagaa
kusoo noqnoqdoo
qalbigu ma nastee
gacalo nafaqee
ma nooliye heedhe
nuglee kagacaylku
nudaha wadnahayga
siduu nasabeey yahay
neeftaa jidhku qaato
u nuugay jacayalka
naxariista illaahay
nafluhu kama quustee
nabad iyo hadaan
kugu helo nasiib
waan naaxi laaa
waxa lagu nagaadaa
naqa soo hilaacee
nabad iyo hadaan
kugu helo nasiib
waan naaxi lahaa
nabarada jidhkayga
nasteexaa dawaysee
hadaad ii naxayso
laabtayda nadiifi
nuxurka hadalkaa
niyada ii dhisee
dhaayaha nuuriyo
nal baad u tahee
nimcooyinka heedhe
nafteena la raacshay
jacaylaa u natiija
waxaan naawilaayaa
axdigoo nagaadee
ii ooloow xabiibi
naxariista ilaahay
nafluhu kama quustee
nabadiyo hadaan
kugu helo nasiib
waan naaxi lahaa
waxa lagu nagaadaa
naqa soo hilaacee
nabad iyo hadaan
kugu helo nasiib
waan naaxi lahaa