VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xiska deeqa - Lyrics

I xanaansha xabiibi i dhaha Xiisa igu suuraa I xambaara xumaanta iga tira Uunka iga xeershaa I xayaadsha xubigana i baraa Nacabka xaadhnaada I xanaansha xabiibi i dhaha Xiisa igu suuraa I xambaara xumaanta iga tira Uunka iga xeershaa I xayaadsha xubigana i baraa Nacabka xaadhnaada Xiska deeqa maankayga xula Laabta ku xadreeyaa Wadne xawdaa xididada ku haba Xero ku waageertaa Wadne xawdaa xididada ku haba Xero ku waageertaa Xiska deeqa maankayga xula Laabta ku xadreeyaa Wadne xawdaa xididada ku haba Xero ku waageertaa Wadne xawdaa xididada ku haba Xero ku waageertaa Xulkii aan haween soo xushee Xiigsadaay qaali Xayaati anaa ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Xulkii aan haween soo xushee Xiigsadaay qaali Xayaati anaa ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa I xaqdhawra xuquuqdayda bila Xilo ogsoonaadaa Shaax i dhay xaawaley ma dayo Xidhiidhka qiimeeya I xusa sida aan u xuso Xusuusta weyneeyaa I xaqdhawra xuquuqdayda bila Xilo ogsoonaadaa Shaax i dhay xaawaley ma dayo Xidhiidhka qiimeeya I xusa sida aan u xuso Xusuusta weyneeyaa Xal u hela xaaladaha adag Xeelad ku lahaadaa Xeerka gaalaa Jacayl laba is jecel Xiisad kuma beera Xeerka gaalaa Jacayl laba is jecel Xiisad kuma beera Xulkii aan haween soo xushee Xiigsadaay qaali Xayaati anaa ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay ruuxdaa Xulkii aan haween soo xushee Xiigsadaay qaali Xayaati anaa ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa Ku wata naftiyo Kugu xidhay laabtaa
Queue is empty
-- / --