Aan maalno hasheena Maandeeq
Waa maalin muran
iyo makeeki hadhee,
Waa maalin Ilaahay maansheeye
Aan maalno hasheena maandeeqee

Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeqee.

Dhaaxaan murug
iyo haraad mudanee
Maantay curatoo maataanaysee
Aan maalno hasheena maandeeqee

Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeq.

Waa maalin duco
iyo bil Ramadanee,
Waa maalin Ilaahay oo magac lee
Aan maalno haheena Maandeeq

Ma jiro maanta
midab gumaysige,
Waa maalin caddoon madoobaynee
Aan maalno hasheena Maandeeqee

Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeqee.

LYRICS BY Zainab Gurey

Exit mobile version