Balag baa la’ii lulay
Waa boqol kun oo mayl
Halka la iiga baaqiyo
Jacaylkaygan baahee
Beri kale udhoofee
Barna haray sidee baan
Kuu baadi doonaa ?
Hadaan baaxad leeyahay
Bada soo ma jiidheen.
Hadaan baalal leeyahay
Bari soo ma duuleen
Saw bilic haldhaaley
barta ay ku nooshahay
kuma waa bariisteen
Alahayw cidi i bixii
Boholyoowga caashaqa
Sida uu ii bariisaday
Baxaaan dagmoyee
Hurdo kumaan waabariisteen
??