VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhoof ft magool mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed A Kuluc
Dhoof ft magool

Kuluc

Jacaylkan i dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey

Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee

Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee

Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.

Xaliimo

Anba dhiigu kama fulo
Dhanbaal wadaha beerkoo
Sidaan dhaxal u yeeshuu

Idhex dagey ma guuree
Waxan dhuuni ka cunaa
Dhan dhanaansi kaliyee

Way dhaamisaa weel
Ilmada iga dhaceeysaa
Dhabankayga qooysee

Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.

Kuluc

Dhaqaaq toobiyaha qaad
Dhulku taago taago
Dharaartuna dalaalimo

Malaa igao ku dhawroo
Wax ku dhiba ilaahey
Kuuma soo dhaweeyee

Gaadiidkana mid aan dhicin
Dheeliyeen usii raac
Dhakhso meel walba u taga

Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigusoo noqo.

Xaliimo

Jacayl aan dhamaaneyn
Jacayl aan I dhaafeeyn
Dhuuxiyo wadnaha galey

Jacaylkii dhulkeeygiyo
Halkan igu dhibaayaan
Debed u dhoofinayaa

Waan soo dhiibi doonaa
Dhanbaal iyo waraaqo aan
Dhiig kusoo qoraayee

Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon

codkii Mohamed A Kuluc