VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kalgacal - Lyrics

Sida geed caleenloo Ubax guud ka qariyey ooy gooni laamaha ay midiba geesteed hoobaan is gaadhiyo guntin midha ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray oo godon barwaaqao ah durdur aan gudheyn iyo gacan webi ku yaala oon gu iyo jiilaal midab guurin baad tahay. Gabadhyahay kalgacl baan goortaan ku eegaba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin. .............. ......... ......... ........ ..... .... Sidaad tahay gamaan faras sanga geesi daaqsaday oo uu garduur miray sodon bil iyo gawdeed uu goobay farowgii sararta iyo gaadada oo galangal cooboo cududuhu gamuurmeen oo galaba loo raro sida ramad guyaal dhalay hadba kaynta geeda leh oon guluf colaadiyo weli socoto dheer gelin Gabadhyahay kalgacl baan goortaan ku eegaba qalbigayga gelisaa ........... .......... .......... ....... ... waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsii ............... ............. ........ Sida gubanka qaarkii dhul gargoorku siman yahay ama maadh galdhiidhoo gubatiyo ku taal hawd oo laba gardhooboo badhba gees u seexdeen Dharabka iyo geedaha quruxdooda gaarka ah ama haro gingimanoo guud ka xarfanaysoo shinbiruhu ka giigeen oon gu iyo jiilaal midab guurin baad tahay Gabadhyahay kalgacl baan goortaan ku eegaba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin. Lyrics By: Al Ustaad Ali Muse Fidow " Hidde Dhawr"
Queue is empty
-- / --