Heesta Nafyahay jiidh - Lyrics
Alahayoow jid baaliyoo
Iga jibaada beer dhiga
Ha ii jabinin cadawgaa
Iga soo hor jeedee alahayoow
2×
Alahayoow jidhkaygii
Isku meel ma joognee
Jacaylkaa na kala raray
2×
Hawlahan janjeedhsamay
Sideen u jaheeyaa
Hawlahan janjeedhsamay
Sideen u jaheeyaa
Nafyahay jiidh
Ama ma joogso
Jarbaa kaa horeeyee
Walee ama jiistayley waa
Walee ama jiistayley waa
Ama jabad ka kiinaa
Mar uun kaaga jarayaaa
Ama jabad ka kiinaa
Mar uun kaaga jarayaaa
Alahayoow jaliiliyo
Lafta muruqa ku taaliyo
Kun jeer gunteedaan
Galbis kula xeraysnee
Alahayoow
2×
Alahayoow jacaylkuna
Uu i jimo yaraystoo
Siduu qeys u jiidhoo
2×
Ana ii jajabiyoo
Dartay baan u aalaa
Ana ii jajabiyoo
Dartay baan u aalaa
Nafyahay juuq ama jaaq
Ka jawaab su,aashaa
Walee ama jaa'id ii tali
Walee ama jaa'id ii tali
Ama jaray sakaarkoo
Caashaqu caashaqu
Caashaquna jalbeeb noqay
2×
Alahayoow jid dheer baan
Jacaylkeed u marayoo
Umaanada aroortii
Jiifka kuma bariistee
Alahayoow
2×
Alahayoow jalaawadii
Jirbaa iga muuqdee
Inta aanan jihaad galin
2×
May i jid bixiyaan
Sahay may i siiyaan
May i jid bixiyaan
Sahay may i siiyaan
Nafyahay jiidh
Ama ma joogso
Jarbaa kaa horeeyee
Walee ama jiistayley waa
Walee ama jiistayley waa
Ama jabad ka kiinaa
Mar uun kaaga jarayaaa
Ama jabad ka kiinaa
Mar uun kaaga jarayaaa
Alahayoow jin iyo jaad
Kaan ii jiidh naxayno
Jiilaal iyo abaarna
Jujuub iigu taliyee
2×
Alahayoow jaleecada
Qalbiga jeelixiisa raac
Jeedalada kalgacalka lee
2×
Wey iga jin dhacayaan
Halkay naftu jamatee
Wey iga jin dhacayaan
Halkay naftu jamatee
Nafyahay juuq ama jaaq
Ka jawaab su,aashaa
Walee ama jaa'id ii tali
Walee ama jaa'id ii tali
Ama jaray sakaarkoo
Caashaqu caashaqu
Caashaquna jalbeeb noqay
2×