Midab wacanidaadan iyo
Ani maal la’aantaydan
Waa labo aan midoobaynoo
Meel wada dagaynee

Mawlihii na uumaan
La magansanaynaayee
Weligaa ha murogoon

Muddo ma leh adduunyadan
Iyo maalmo dhaadheeroo
Kii manta haystaa
Berituu ka madhanyee

Mawlihii na uumaan
La magansanaynaayee
Weligaa ha murogoon

Magool soo baxaaya iyo
Mayaygoo da’aayaay
Marwadii naftaydan
Maaweelinaysaan

Mawlihii na uumaan
La magansanaynaayee
Weligaa ha murogoon

Exit mobile version