Ilaahay Nin samir badan
Silic kuma ilaaboo
Saxriir ma galiyee

Sidaa waxaa markhaati ah
Suuradaha Quraankee
La inagu sifeeyee

Salaada iyo sunahah
Soonka iyo Zakada
waa inaan la sii deen

ILaahay nin samir badan
Calafkii ma seedshoo
Cidi kama sad badisee

Sidaa waxaa markhaati ah
Suuradaha Quraankee
La inagu sifeeyee

Salaada iyo sunahah
Soonka iyo Zakada
waa inaan la sii deen

ILaahay nin samir badan
Toobada ma seedshee
Cadaab laguma sooree

Sidaa waxaa markhaati ah
Suuradaha Quraankee
La inagu sifeeyee

Salaada iyo sunahah
Soonka iyo Zakada
waa inaan la sii deen

Exit mobile version