VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Talo igu guracntee - Lyrics

Gadhkiyo bidaartiyo Guraday caddaatoo Haddaad ii gu’ tirisaan Soddon gaadhi maayee Wakhtigay guhaadshoo Sidan ii galaayee Hawlahan i gubayaa Ma wax dunida gaadhsiisan baa Ma wax aniga ii gaara baa Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Hadday gabadh gashaantiya Cidi guursan weydoo Idaylaba gayaankeed Hadday gacan ka weydo Gallad sheegan maysee Cadhaa gawracaysee Hawlahan i garabgalay Ma wax dunida gaadhsiisan baa Ma wax aniga ii gaara baa Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Gebi iyo xaraar iyo Garbaa laygu tiirshoo Waxaan sii gucleeyaba Dhexda laygu gaadhee Gees kaloon u weecdiyo Talo iga gurracantee Hawlahan i gubayaa Ma wax dunida gaadhsiisan baa Ma wax aniga ii gaara baa Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Maalmo
Queue is empty
-- / --