haddii deeyr barwaaqaa
dalkoo wada idleeysoo
nin waliba docduu rabo
dareen li’i kujoogoo
darartuna ku badan tahay

duurjoogtana hawdkunaa
duunyada ka badan tahoo
duhurkii markii tahay
ay dhex daaqdo xoolaha

adna nabar damqaayiyo
diihaal qalbiga jiray
dawadiisii noqotee
anna ubaxa doorkaa
dartaa baan u lulayaa

sideey dintu leedahay
ruuxii dunida waraaa
duruufaha adduunkiyo
damaashaadka raaxaduu
waa ukala danbeeyàan

danta naga shaxaysana
samiriyo dulqaadiyo
daacadiyo kalsooniduu
dabiibkeeda weeyàan

adna nabar damqaayiyo
diihaal qalbiga jiray
dawadiisii noqotee
anna ubaxa doorkaa
dartaa baan u lulayaa

Exit mobile version