Deeqaa
Dabci wanaageey
Darmaantii iqaadee
Dookhaygu raaceaay

Degganidaa asluubtiyo
Daymada xishoodkaleh
Midduu daa’im siiyaaay

Naftaydaa kuu daacadee
Soo duruq duruq duruq
Farxad wada dakeeynee

Dugsi lama huraaneey
Dummar taan kadoortee
Maankeeyga deeqdaay

Dareenkii naftaydaay
Middiii aan daraaddeed
Hablahaaba u daayaaay

Naftaydaa kuu daacadee
Soo duruq duruq duruq
Farxad wada dakeeyneee

Exit mobile version