Heesta Doqoni waxba kuuma aha - Lyrics
Inkastooy dahab u egtahay
Jeegaanka dusheeda iyo
Daruuraha laguma tiriyo
Haddaan dookh kula gelin
Ama aan dugsi kugu dul furin
Dabkeey hurisaa madamee
Haddaad daristaan kadurug
Dadyahoow bal amuurtaan daya
Dhagaxa dibka aan la qaban
Darba adag furaa jiree
Doqonii waxba kuuma aha
Haddii daad kula hardiday
Ama uu dar kugu sigo
Daniyo heello kaama galo
Waxaan daaf kaaga marin
Sidaan difnahaaga daa
Ayuu duleedkaaga yaal
Dabaylaha lala ciyaar
Haddaan dookh ku xuli karin
Ama aan dabsi kugu dulfurin
Dabkeey hurisaa ma damee
Haddaad deristiin ka durug
Dadyahoow bal abuurtaan daya
Dhagaxa didibka qaadan raba
Durba aadan furan jiree
Doqonii waxba kuuma aha