Waaxyahayga kuu qalan
Nudahayga qaybsamay
Hadalkoodii deeqsii
Dartuba ma daayaan

Adigoon dareen qabin
Haddii la ina kala dilo

Duufaan kuu qaaddiyo
Waa sahal dabayshuyee
Yaan daadku kula tegin

Waan daalayee
Ha ii darnaan

Haddaan diiday ruux kale
Inuu dabinka ii galo
Adigaa ku daabacan
Dubaaqiyo laabtee

Adigooon dareen qabin
Ee la ina kala dilo

Duufaan kuqaaddiyo
Waa sahal dabayshiye
Yaan daadku kula tagin

Waan daalayeee
Ha ii darnaan

Laba doogga haaba
Oo iftiinka diiftoon

Damqaday xanuunka
Waxaa iiga sii daran

Adigoon dareen qabin
Haddii la igu kaa diro

Asigoon dareen qabin
Haddii la ina kala dilo

Duufaan ku qaaddiyo
Waa sahal dabayshuye
Yaan daadku kuula tegin

Waan daalayee
Ha ii darnaaan

Exit mobile version