habenkii kolkay tahay
hurdo uma dhawaadoo
naftu tay la haysiyo
hilaac baa ii baxoo
soo haabo is leeyahay
horjoogeeda wacaniyo
haasawaheedaan
ku habaa naftaydee
innta haada duushiyo
idil habar dugaag baan
hadyadiyo dhambaaliyo
heesaha u dhiibaa
adiguna hirdooglaay
aan hamuuntta reebnee
hab ku soo dheh caashaqa

hoobaan la moodii
hiyigaygu raacaay
hablahaba dhamaantood
hormoodkoodi noqotoo
naftu haybinaysaa
sida hooyo curadkeed
tii aan ha dhiciniyo
hoobeey u qaadaay
hanaankiyo quruxdiyo
haybadiyo asluubtaa
hubqaadkaaga wacan ba
hibashada abuuree
adiguna hirdooglaay
aan hamuuntta reebnee
hab ku soo dheh caashaqa

Exit mobile version