Heesta Idil - Lyrics
ayaantaan aragiyo
indhaha ku saaraa
jacayl iga awood wayn
naftaydii abaaree
wayna sii adkaadiyo
ubucdayda beerkiyo
uurkiibuu haleeloo
adhaxduu i gooyee
arag wacanideey
aayahii naftaydaay
midaan aynigeediyo
asaageed u daayay
kolba waad osoontay
inaan kuu ilmeeyoo
aawadaa u ooyee
quruxdii aduunkaay
ilayskii cadceedaay
dayaxoo iftiimiyo
ilo wada xareedaaay
inantaan jeclaayeey
afkaygiiba waayadan
amaantaada mooyee
eray kalaba diidee