Heesta Qumaney - Lyrics
Qumaneey hannaankiyo
Qotankiyo jooggiyo
Wejigaaga qoraniyo
Qoortiyo cabbaaryaha
Qaadirkii ku uumaa
Qurux kugu mannaystoo
Qacdii aan ku eegaba
Qalpigii ku raacee
Maankayga qaaddee
Kalgacaylka ila qabo
Ixtiraam qaddirintiyo
Qawlkaagan dahabkaa
Qarnigaan hablaha kacay
Qalanjadoodii baa tahee
Qorax soo baxaysiyo
Qamar shaniyo tobanaa
Qacdii aan ku eegaba
Qalbigaygii ku raacee
Maankaygii qaaddoo
Kalgacaylka ila qabooo