Heesta Raaliyo - Lyrics
ra'yibaa lagu meel maraa
runbaa reer lagu dhaqaa
rajaa la cawaansadaa
RABAA aqbal laga sugaa
hayeeshee waxaad rabtiyo
haduu calaf raygado
is dhalan rago waayuhu
raxliga lama daadiyee
RABAA loo soo noqdaa
ALLOW raaliyo dugsoon
akhlaaqiyo raas qobow
ribo iyo been aan aqoon
rafiiqeeya ka yeel
roobaa lagu mahadiyaa
nimciyo rays lagu helaa
rafaad lagaga baxaa
RAXMAANbaa inoo hayee
adoo raba haday riyadu
ruuneey kuu daroori waydo
rugtiyo raaskaad lahayd
naftaada lama raaciyee
ogow risuqu waa halkiisa