Heesta Sanadahaan aduunyadu - Lyrics
Sanadahaan aduunyadu
Sakiin weeye caashaqu
Sak hadduu ku siiyana
Seedahuu ku gooyaa
Socdaal baan
Dunnida ku so maray
Nasteexaay daraada
Indhaha maan saarin
Suuradaada oo kale
Haddi aan sir qaado hadalka
Waxaad iila simantahay
Saxansaxada roobkiyo
Subaxdii ciida
Dadku isa salaamaan
Nasteexaay daraadaa
Maxaan salalay leelkii
Maxaan saacada eegayoo
Maxaan seegay seexashada
Hayeeshee salaadii
Markaa sugay sajuuda rabbigee
Adoon sahanka kuula marin
Sahanka iima toosee
Haddi aan sir qaado hadalka
Waxaad iila simantahay
Saxansaxada roobkiyo
Subaxdii ciidana
Dadku isa salamaan